Sunday, August 30, 2026
HomeWararGudahaNin Soomaali ah oo lagu dilay Pretoria, halka mid kalena lagu dhaawacay

Nin Soomaali ah oo lagu dilay Pretoria, halka mid kalena lagu dhaawacay

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdiqafaar ayaa lagu dilay toogasho, halka nin kale oo lagu magacaabo Goobe uu ku dhaawacmay weerar hubeysan oo xalay ka dhacay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Sida ay sheegayaan xogta laga helayo dhacdada, labada nin ayaa ku sugnaa gudaha ama agagaarka gaari xilliga ay koox hubeysan rasaas ku furtay.

Cabdiqafaar ayaa ku dhintay goobta, halka Goobe, oo dhaawacmay, si degdeg ah loogu qaaday isbitaal ku yaalla Pretoria, halkaas oo lagu daweynayo.

Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta ay toogashadu ka dhacday, waxaana la sheegay inay bilaabeen baaritaan ku aaddan weerarka iyo cidda ka dambeysay.

Ilaa hadda lama oga ujeeddada ka dambeysay toogashada, mana jirto cid si rasmi ah loogu dhawaaqay inay mas’uul ka tahay weerarka.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dadka iyo ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Koonfur Afrika ay muddooyinkii dambe wajahaan falal amni darro oo ay ka mid yihiin dhac, toogasho iyo afduub, gaar ahaan deegaannada ay Soomaalidu ku badan tahay.

Booliska ayaa wada baaritaanno lagu ogaanayo sababta weerarka iyo cidda ka dambeysay, inkastoo burcada madow ee Koonfur Africa ay dhowr jeer beegsadeen Soomaalida ku ganacsata wadankaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe