Barigga gobolka Mudug ayaa xalay waxaa ka dhacay Dil qorshaysan kaasoo ay gaysteen Kooxo ku haybaysan Qoryo waxaana goobta ay isaga baxsadeen kadib markii Nin reer guuraa ah dablaydu ay dhawac culus ugu gaysteen.
Ninkan ayaa iska caabin ay kala kulmeen dablaydaasi waxaana ugu danbayn uu u geeriyooday dhawacii dablaydaasi u gaysteen waxaana loo qaaday deeganka Bali Bulse oo meel aan sidaas uga fogayn uu ka dhacay Dilku.
Ninkan Reer Guuraaga ah ayaa da,diisu ahayd 35 Sanno jir sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Bali-Busle ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Dilalka qorshaysan ayaa inta badan waxay ka dhacaan Barigga gobolka Mudug kuwaasoo u dhexeeya Dadka Reer Guuraaga ah ee kala taabacsan Puntland iyo Galmudug waxaana wararku sheegayaan dablaydii xalay inay Galeen Koonfurga gobolka Mudug gaar ahaana Galmudug.