Thursday, April 25, 2024
HomeWararNew Zealand: Ninkii geystay Xasuuqii Muslimiinta oo beeniyey danbiguu galay!

New Zealand: Ninkii geystay Xasuuqii Muslimiinta oo beeniyey danbiguu galay!

Ninkii geystay weerarkii lagu xasuuqay Muslimiinta ku tukaneysay labo masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa beeniyey inuu isagu geystay danbiyadaasi, sida ay sheegeen Qareenada u doodaya.

Brenton Tarrant oo ah cunsuri cadaan ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Australia ayaa maanta oo Jimce ah Maxkamada lasoo taagay, waxaana loo akhriyey danbiyada loo heysto oo ay ku jiraan 51 kiis oo dil ah, 40 kiis oo isku-day dil ah iyo falal kale oo argagaxiso.

Garsooraha Maxkamada Cameron Mander ayaa sheegay in ninkan uusan waalneyn oo uu miirkiisa qabo isla markaana maxkamada lasoo taagi karo.

Ninkan ayaan dhageysiga maxkamadiisa kala socday (Video toos ah) oo uu ka daawanayey xabsiga lagu hayo oo ku yaal magaalada Auckland.

15kii bishii Maarso ee sanadkan weerarkii uu ku qaaday labo masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch ayuu ku dilay 51 qof kamid ah muslimiintii halkaasi ku sugnaa, waxaana weerarkaasi lagu dhaawacay in 40 qof oo kale, eedaysanaha ayaa weerarkan si toos ah ugu baahiyey muuqalka uu ka duubayey barta uu ku leeyahay Facebook.

Wuxuu sidoo kale faafiyey qoraal Bayaan ah oo ka kooban in ka kooban 70 bog oo uu uga hadlayo sababta uu weerarkan u geystay iyo cadaawada uu u qabo dadka soogalootiga ah gaar ahaan muslimiinta.

In ka badan 100 qof oo isugu jira dadkii weerarkaasi ka badbaaday iyo ehelada dadkii la dilay ayaa ku sugnaa maxkamada iyagoo dhageysinayey dacwadaha ninkan lagu soo oogay, waxaana la filayaa in maxkamadeynta eedaysanahan wajigeeda kowaad la bilaabo bisha Agoosto.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe