Wednesday, June 24, 2026
HomeWararMW JFS “Dadka Soomaaliyeed ogaada Wiilasha & Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga...

MW JFS “Dadka Soomaaliyeed ogaada Wiilasha & Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo naftooda u huray Qaranka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambaleeyay sanad guurada 63aad ee ka soo wareegatay maalintii dhidibada loo taagay Ciidanka Xoogga.

Madaxtooyada Soomaaliya oo faafisay Muuqaalka Hambalyada Madaxweynaha ayaa yiri,“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Waa maalin ku asteysan sanadguuradii la xusay ayada oo halgaln lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse  lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ogaadaan Wiilasha iyo gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, “Dadka Soomaaliyeed ogaada Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo naftooda u huray Qaranka,”  Sida uu yiri Madaxweynaha JFS.

“70 meelood oo dadka Soomaaliyeed ay dagan yihiin oo Degmo leh oo Beer, Tuulo, Ceel, Waddo iyo Deegaan leh oo dullinimo loogu noolaan jiray, maanta xurnimo  loogu nool yahay ayey lug ku mareen, markaas ayey joogaan cirifka meeshii ay gabagabeen lahaayeen,” sida uu sii yiri Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed u diray fariin isaga oo yiri, “Dadka Soomaaliyeed ha diyaar garoowaan inta dhiman xoogga aan isugu geyno, la caajisin oo dib loo dhicin aan la’is dhigan, Cadawga weli wuu nool yahay, dhulkeyn dhul ka mid ah weli wuu heystaa, waan taagannahay, waan soconnaa, xurnimo iyo sharaf ayaan doorannay, waana gaareynaa.”

Sanad waliba maanta oo kale 12-ka April 2023-ka ayaa la xusaa sanad guurada ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyada oo dhidibada loo taagay 12-ka April 1960-kii, iyada oo markaas lagu aas aasay ciidan ka kooban 8 horrimood, oo lagu magcaabi jiray waqtigaa Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2,000 oo Askari, oo laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan Gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Cabdullaahi Ciise Maxamuud  ayaa Taliyihii Guud ee ugu horeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u magacaabay Jenneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi (Feynuus) oo markaas u dalacsiiyay darajada (Saeeyo Guuto).

Abaanduulana waxaa loo magacaabay S/gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre, markii uu geeriyooday Taliyihii Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Sanadkii 1965-kii, waxaa jagadaasi loo magcaabay Jenneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo Taliyaha Ciidanka ahaa tan iyo Sanadkii 1969kii, ka dibna waxaa beddelay Jeneraal Maxamed Cali Samatar.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe