Wednesday, April 22, 2026
HomeWararMW DG Hir-Shabeelle oo sheegay in guullo laga gaaray howlgallada ka socda...

MW DG Hir-Shabeelle oo sheegay in guullo laga gaaray howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa sheegay in guullo muhiim ah laga gaaray dagaallada ka dhanka ah AS ee ka socda Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guudlaawe oo tagay Deegaanno dhowr ah oo kala ah: Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhowaan laga qabsaday AS waxa uu sheegay in deegaanno kale ay ku wajahan yihiin Ciidamada Dowladda & kuwa deegaanka ee Macawisleyda.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa sheegay in maamullada Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ay ka shaqeeyeen sidii loo abaabuli lahaa dagaallada ka socda labada Gobol si ay isugu yimaadaan Degmada Aadan Yabaal.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka & Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayuu Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen Sheegay in ay kaalin wanaagsan ka qaateen howlgallada ka socda deegaannada DG Hir-Shabeelle.

Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayuu ugu baaqay in ay kordhiyaan doorka ay ku leeyihiin howlgallada ay ku garabsiinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage, Xildhibaanno heer Federaal & kuwa DG Hir-Shabeelle, Saraakiil Ciidan & mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wadajir u sheegay in howlgallada socda la ballaarinayo.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe