Friday, February 14, 2025
HomeWararMuwaadin Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Dilay Koonfur Africa

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Dilay Koonfur Africa

Allah Ha U Naxariistee Hilaal Xirsi Jaamac oo kamid ahaa Soomaalida muddo dheer joogtay Dalka Koofur Afrika waxaa xalay Koox Burcad Madoow ah ay ku dishay Magaalada Cape town ee Dalka Koofur Afrika.

Sida ay Xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee Magaaladaasi, Marxuumka dilkiisa kadib waxaa baxsaday Kooxdii ka dambeysay Weerarkii lagu dilay.

Qaar kamid ah dad ay saaxiibo dhow ahaayeen Hilaal ayaa sheegay in Kooxdii dilka u geysatay ay baxsadeen kahor inta aan goobta tagin Ciidamada Booliiska.

Waxa ayna intaa ku dareen in muddooyinkii dambe ay sii kordhayeen weerarada loo geysanayo Ganacsatada Soomaalida ee Koofur Afrika kunool.

Booliiska ayaa dilalka iyo dhaca kadib taga, waxa ayna sameeyaan Baaris aan kasoo bixin Natiijo dib loogu celiyo Jaaliyadda Soomaalida.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe