Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cumar C/llaahi Axmed oo loo yaqaanay Cumar Qamarji ayaa shalay gelinkii dambe kooxo hubeysan ay ku toogteen xaafadda Philipi ee magaalada Cape Town.
Axmed ayaa la weeraray xilli uu ka shaqaynayay goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Philipi. Wararka ayaa sheegaya in dableyda ay dhowr xabadood ku dhufteen Axmed ka hor inta aysan ka dhicin dukaanka lacag iyo agabyo qaali ah iyagoona goobta ka baxsaday.
Booliska Koonfur Afrika ayaa goobta soo gaaray dhowr saacadood kadib markii uu falkaasi dhacay, waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano ku aadan dilkaasi. Ilaa hadda, ma jirto cid loo soo qabtay dilka Axmed.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa rajo xumo iyo cabsi badan ka muujiyay dhibaatooyinka joogtada ah ee ay kooxaha burcadda ah u geystaan ​​muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Iyadoo ay jiraan falalkan xatooyada ah ee soo noqnoqday, ayaa haddana waxaa soo baxayay baaqyo loogu baaqayo dowladda Koonfur Afrika inay qaado tallaabo wax ku ool ah oo lagu badbaadinayo Soomaalida qurbaha ku nool, waxna looga qabto dambiyada la xiriira kooxaha burcadda ah.

