Home Warar Museveni oo hogaaminaya doorashada Uganda,tartamayaasha ayaa ku andacoonaya in wax la isdabamariyay!

Museveni oo hogaaminaya doorashada Uganda,tartamayaasha ayaa ku andacoonaya in wax la isdabamariyay!

45

Hogaamiyaha mudada dheer ee Uganda Yoweri Museveni ayaa qarka u saaran in uu guul ka gaaro doorashada madaxtinimada ee dalka Uganda isaga oo helay ku dhowaad dhamaan codadkii la tiriyay sabtidii, in kasta oo ninka ay sida weyn u tartamayeen ee Bobi Wine uu ku andacooday wax isdaba marin baahsan.

Iyada oo la tiriyay codadkii laga dhiibtay 91% ee goobaha codbixinta doorashadii Khamiista kadib, Museveni wuxuu ku guuleystay 5.6 milyan, ama 58.9%, halka musharraxa ugu weyn mucaaradka Wine uu heley 3.3 milyan oo cod (34.6%), Guddiga Doorashooyinka ayaa sidaasi shaaciyay waxyar kadib 12-ka duhurnimo. (0900 GMT). Natiijooyinka kama dambaysta ah waxaa la filayay 3 pm (1200 GMT), sida uu sheegay ugu doorashada Uganda.

Saraakiisha amniga iyo booliska ayaa si wayn ugu roondaynaya wadooyinka waawayn ee caasimada, Kampala, maanta oo sabti ah.

Dowladda ayaa amartay in internetka la xiro maalin ka hor doorashada, welina ciladdii ayaa weli taagan.

Museveni, oo 76 jir ah oo xukunka hayey 35 sano, wuxuu u ololeeyey muddo kordhin kale isaga oo ku dooday khibradiisa dheer intii uu xafiiska uu joogay waxa uuna balanqaaday kor u qaadista xasi loonida wadankiisa.

Wine oo 38-jir, ayaa ku booriyay dhalinyarada reer Ugandha baaqyadiisa ku aadan isbadalka siyaasadeed wuxuuna balan qaaday in uu soo afjari doono waxa uu ugu yeeray kalitalisnimada iyo musuqmaasuqa baahsan.

Ciidamada amaanka ayaa xiray wadooyinka gala xarunta Wine sabtidii waxayna u sheegeen suxufiyiinta caalamiga ah in aan loo ogoleyn in ay galaan, goobjoogayaal ayaa sidaas sheegay.

Luke Owoyesigyire, oo ah ku xigeenka afhayeenka booliska magaalada caasimada ah ee Kampala ayaa sheegay in uusan ka war qabin in wariyeyaasha oo diiday guriga Wine balse ay hubindoonaan.

Wine, oo ah fannaaniin isu beddelay xildhibaan magiciisa saxda ah uu yahay Robert Kyagulanyi, ayaa sheegay jimcihii inuu hayo caddeyn fiidiyoow ah oo ku saabsan musuqmaasuq codbixinta, isla markaana uu la wadaagi doono fiidiyowyada isla marka la soo celiyo xiriirkii internet-ka

Gudoomiyaha Gudiga doorashada Simon Byabakama ayaa jimcihii sheegay in sharciga Uganda, culeyska cadeynta uu saaranyahay Wine.