Saturday, March 22, 2025
HomeWararMuran Ka Taagan doorashada Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-mudug.

Muran Ka Taagan doorashada Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-mudug.

Sida ay sheegeen xubno katirsan Maamulka Galmudug waxa uu khilaaf ka dhashay Doorasho ay damacsanaayeen Baarlamaanka Galmudug dhanka Dhuusamareeb ku sugan in ay ku doortaan Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

Muranka ayaa soo jiitamayay maalmahaan, waxa uuna u dhaxeeya Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Macalin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ilo wareedyo Ku Sugan Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in Macalin Maxamuud uu wato shaqsi gaar ah uuna doonayo in loo doorto Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxaase kahor yimid Xaaf oo isna la sheegay in qof kale uu wato.

6-dii bishaan ayuu qorshuhu ahaa in la qabto Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, hayeeshee dib ayaa loo dhigay kadib markii khilaafka uu cirka isku shareeray.

Kala xud-xudasho iyo loolan dhanka baarlamaanka ah ayaa dhexmartay Gudoomiyaha guud ee Ahlu Sunna iyo Madaxweynaha Galmudug.

Sida Ilo wareedyadaan ay sheegeen kolkii dambe waxaa kusoo baxay Xubno katirsan Maamulka Galmudug oo go’aamiyay in dib loo dhigo Doorashada illaa inta is afgarad labada dhinac ah uu ka dhacayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Labada qof ay kala wataan Xaaf iyo Macalin Maxamuud ay ku heyb yihiin Maxamed Xaashi Cabdi oo ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, hayeeshee baarlamaanka garabkaan Dhuusamareeb ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen.

Musharaxa uu wato Macalin Maxamuud ayaa La sheegay in uu dalka ka maqan yahay, sidaas awgeed uu ku dalbaday in dib loo dhigo Doorashada, muranka iyo khilaafkane uu ka dhashay.

Baarlamaanka Galmudug ayaa labo garab u kala jabay, waxa uuna ku kala shaqeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, dhinac waliba waxa uu sheeganaa in uu ku taagan yahay wadada saxda ah, isaga oo cuksanaya qodobo Dastuurkooda kamid ah.

Mooshino labada dhinac ay iska kala keeneen waxa ay xilka ugukala qaadeen Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenkiisa, waxaana xigay Doorasho labada dhinac ay ku kala buuxiyeen xubnaha ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe