Monday, June 15, 2026
HomeWararGudahaMuqdisho: In ka badan 46 Kun oo Arday oo u Fariistay Imtixaanka...

Muqdisho: In ka badan 46 Kun oo Arday oo u Fariistay Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir, iyadoo sanad-dugsiyeedka 2025/2026 ay imtixaanka u fariisteen 46,225 arday.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta waxbarashada gobolka, imtixaanka ayaa ka socda 125 xarumood oo ku kala yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana la sameeyay qorsheyaal lagu xaqiijinayo amniga, habsami-u-socodka imtixaanka iyo ilaalinta tayada nidaamka imtixaanaadka.

Tirada ardayda imtixaanka u fariisatay ayaa ka kooban 24,717 wiil iyo 21,508 gabdhood, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah imtixaannada ugu ballaaran ee heer dugsi dhexe ee lagu qabto caasimadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in xarun kasta la geeyay adeegyo caafimaad, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo ciidamo dab-demis ah si looga hortago xaalad kasta oo degdeg ah inta lagu guda jiro imtixaanka.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa sheegay in sidoo kale la diyaariyay adeegyo gaar ah oo loogu talagalay ardayda baahiyaha gaarka ah qaba, si loo xaqiijiyo in dhammaan ardaydu helaan fursado waxbarasho oo siman.

Duqa Muqdisho,  Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ardayda u rajeeyay guul, isaga oo xusay in maamulka gobolka uu sii wadi doono dhiirrigelinta iyo abaalmarinta ardayda kaalmaha hore ka gala imtixaannada, sida uu sameeyay sanadihii la soo dhaafay.

Sanadkan ayaa sidoo kale markii ugu horreysay waxaa imtixaanka ka qaybgalaya arday reer Suudaan ah oo waxbarasho ku qaata magaalada Muqdisho, taasoo masuuliyiintu ku tilmaameen muujinaysa doorka ay caasimaddu ka qaadanayso taageeridda waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah.

Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil boolis iyo madax kale oo ka socday hay’adaha waxbarashada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe