Friday, April 19, 2024
HomeWararMidowga Afrika oo walaac ka muujiyay khilaafka ka dhex-jira dalalka Afrika

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay khilaafka ka dhex-jira dalalka Afrika

Guddoomiyaha Golaha ammaanka iyo Nabadgalyada ee Midowga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilafka xilligan kajira qaar kamid ah wadamada Afrika.

Madaxweyne Kenyatta oo hadal ka jeedinayay dood ay yeesheen xubnaha Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sheega in uu sii kordhayo khilafka ka dhex-jira dalalka Afrika , isaga oo ku baaqay in la iska kaashado sidii xal loogu heli lahaa ismari waa’ kasta oo jira.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata waxaa uu sheegay in xasiloonida ay tahay arrin aad looga baahan yahay qaaradda, isla markaana muhiim tahay inay dowladaha ka wada Shaqeeyaan.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro khilafka salka ku haaya Wabiga Nile uu u dhaxeeyo dalalka Suudaan, Itoobiya & Masar, sidoo kale khilaf siyaasadeed uu ka dhex-jiro dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe