Tuesday, May 26, 2026
HomeWararMeelo kamid ah Soomaaliya oo Maalintii Koowaad laga Sooman yahay

Meelo kamid ah Soomaaliya oo Maalintii Koowaad laga Sooman yahay

Waxaa Maaanta Malintii koowaad laga sooman yahay degaano katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo badi dadka kunool shalay ay ahaayeen kuwo aan soomaneyn.

Meelaha maanta Maalintii Koowaad laga sooman yahay ayaa waxaa kamid ah degaannada Somaliland & degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee maamulka Galmudug, balse ay ku badan yihiin dadka teagersan xoogaga Ahlusunna Wal-jacaama & degmada Warsheekh oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaar kamid ah dadka Maanta Sooman Maalintii Koowaad ayaa waxaa ay sheegeen in shalay ay dhameystirayeen 3-ka Bisha Shacbaan, isla markaana Maanta, iyaga ay u bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Shalay ayaa degannada oyo degmooyinka katirsan Gobolada Galgaduud & Shabeellaha Dhexe waxaa si caadi ah u furnaa Maqaayadaha laga cunteeyo halka  maanta ay iran yihiin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe