Saturday, October 17, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda Militariga DG Puntland oo Xukun ku ridday Rag ku eedeysan Qaraxyo...

Maxkamadda Militariga DG Puntland oo Xukun ku ridday Rag ku eedeysan Qaraxyo & Dilal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda Militariga Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xukun ku ridday saddex Nin oo ku eedeysan in ay katirsan yihiin ‘AS’ isla markaana ay geysteen Qaraxyo iyo Dilal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Raga Maxkamadda la horgeeyay ayaa kala ah: Maxamed Deeq Salaad Cabdi waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay 20 sano oo Xabsi ah, Ismaaciil Daauud Jiirow ayaa lagu riday 30 sano oo Xabsi ah & Cabdulqaadir Abuukar Sheekh Maxamed oo lagu xukumay 15 sano oo Xabsi ah.

War kasoo baxay Maxkamadda Militariga Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in dhammaan saddexdaas ruux ay qirteen dambiyada lagu soo oogay sidaas awgeedna maxkamaddu u cuksatay caddeymaha iyo qiraarkooda.

Qareennada Difaacaya Dadkaas ayaa sheegay in aanay jirin qirasho ay sameeyeen dadka ay difaacayeen balse Maxkamaddu ay gaartay go’aanka ay soosaartay waxaana ay sheegeen in ay qaadanayaan Racfaan.

Xabsiyada Puntland waxaa ku xiran Dad qaarkood da’doodu ka hooseyso 20-sano kuwaas oo loo soo qabtay in ay katirsan yihiin ‘AS’ isla markaana ay geysteen Dilal iyo Qaraxyo ka dhacay Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe