Saturday, April 4, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda degmooyinka Cadaado iyo galinsoor oo si wada jir kugu fariistay geel...

Maxkamadda degmooyinka Cadaado iyo galinsoor oo si wada jir kugu fariistay geel laysku haaysto.

Maxkamada degmooyinka Cadaado iyo Gilinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa si wada jir ah ugu fariistay dacwad la xiriirta lahaanshaha Geel la isku haysto.

Dhagaysiga dacwada oo maanta ka dhacday deegaanka Tuulo-sarmaan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin) Gudoomiyaha degmada Galinsoor Xirsi Muuse Maxamed, masuuliyiin ka kala socda 2-da degmo iyo dadka deegaanka oo dhankooda loo ogolaada dhageysiga qaadista 1-aad ee dacwadan si faham buuxa ay uga helaan nidaamka garsoorka.

Garsoorka ayaa dhageystay dacwada eedeeyaha iyo eedaysanaha waxaana dood dheer kadib la go’ aamiyay in maxkamada dib la iskugu soo laabto lana soo dhameystiro cadeymo 2-da dhinacba looga baahday.

Gudoomiyaha Maxkamada degmada Cadaado Cabdi Ciise Cali ayaa soo xiray maxkamada waaxana uu balamiyay in garmaqalka 2-aad ee dacwadda la iskugu yimaado degmada Cadadado si dhinacyada isku haysta Geelaan oo ah 4-neef, hadana ku jira gacanta Ciidamada Booliska loo kala saaro.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe