Friday, July 31, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda CQS oo toogasho & Xabsi ku kala xukuntay Askar ku eedeysan...

Maxkamadda CQS oo toogasho & Xabsi ku kala xukuntay Askar ku eedeysan Dil iyo qalqalgelin Amni.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 21aad ayaa xukun toogasho ah ku ridday Shariif Abshir Cabdiraxmaan (Shariif Jinni) oo lagu eedeeyay in uu dilay Saacid Cali Cabdi (Shabeel) oo ay kawada katirsanaayeen Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa xukun sanad xabsi ah ku ridday Mursal Maxamed Cabdi (Canjeex) oo dhankiisa ku eedeysan in uu qalqalgelin ka geystay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug kaddib markii uu riday Rasaas sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda CQS qaybta 21aad Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan Shadoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay u digtay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku howlan qalqalgelinta Amniga sida in ay ridaan rasaas ama ay dhexdooda isku geysaan dhibaatooyin waa sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil katirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku sugan furimaha dagaalka iyo deegaannadii dhowaan ‘AS’ laga qabsaday si ay ula socdaan faldambiyeedka ka dhici kara ciidamadaas howlgallada ku jira.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe