Saturday, July 11, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda ciidamada oo saakay xukun adag ku riday Yuusuf Duqow Xuseen oo...

Maxkamadda ciidamada oo saakay xukun adag ku riday Yuusuf Duqow Xuseen oo lagu helay in uu…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Ninkan ayaa maxkamadda ciidamada u sheegay in ii kooxda Al Shabaab kaga biiray deegaanka Buur-Eylo oo degmada Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray bishii Lacag dhan $70 ah.

Yuusuf Duqow ayaa Al Shabaan usoo wareejiyeen magaalada Muqdisho, waxaana la dejiyay guri kuyaalla xaafada Ceeltimir ee degmada Dayniile, waxaana ninkan loo xil saaray in uu Muqdisho ka fuliyo dilal iyo qaraxyo bambaanon

Ciidamada ammaanka ayaa 14kii  May sannadkaan  gacanta ku dhigay Yusuf Duqow, kaddib markii uu bambo ku tuuray   Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe