Dhanka kale wasiirka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirade guud ee dhimashada tan iyo markii ay weeraradii ugu dambeeyay ay dhaceen in ay gaarayaan dadka ku dhintay 35 oo ay ku jiran 12 caruur ah in ka badan 233 kale ayaa ku dhaawacmeen weereradada ka dhacay Daanta galbeed,Qaza iyo Qudus.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegaya in ku dhaw 1,500 oo Gantaal laga soo tuuray dhanka Qaza iyagoo meelo kale duwan uga dhacay Israa’iil iyadoo ay ciidamada ay xoojinayaan amniga dhanka xududa dhulka bariga ee ay haystan.

