3-ddex maalin ka hor ayay Maxkamada Gobolka Galgaduud u Fariisatay Dacwadda 5-an eedeysane oo midkood haween tahay loona haysto in ay wadajir ugu lug lahaayeen kufsi ka dhacay Deegaan hostaga Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.
4-ta raga ah ayaa lagu soo eedeeyay in kufsi wadareed ay u geysteen hodan maxamed diini oo ah gabadha dhibanaha u ah Falkaan kusiga ah halka qofka shanaad oo ah haweena lagu soo eedeeyay in ay soo shil-qooshay gabadha la kufsaday oo ay keentay goobta uu falkaan ka dhacay.
4-kamid ah ee daysanayaasha ayaa ka dhaartay in kiiskaan ay galeen halka midkoodna uu qirtay in horay uu xiriir ugala dhaxeeyay Gabadha.
Maxkamada Gobolka ayaa ugu Danbeyn maanta Xukun ku riday Eedaysanayaasha Waxaana 4-kamid ah lagu xukumay 6-bilood oo xarig ah halka eedaysanaha 5-aad oo ah kan qirtay in xiriir uu kala dhaxeeyay gabadha lagu xukumay jeedal,masaafurin iyo 44-dago oo meher ah Sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamada Gobolka Galgaduud qaybteeda cadaado.

