Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamada ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Cabdullaahi Ibrahim...

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Cabdullaahi Ibrahim Yarow

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 60-aad, ayaa xukun dil ah ku ridey askari katirsanaa ciidanka booliiska maamulka Koonfur Galbeed, kaa oo lagu helay in nin shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo .

Cabdullaahi Ibrahim Yarow ayaa maxkamadda ciidamada ku heshay in 3-dii bishii Juun ee sannadkan magaalada Baydhabo si kas ah ugu dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Isgoowe Maxamed Aadan .

Ehelada marxuumka la dilay ayaa la sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ka codsadeen in loo qisaaso askariga katirsanaa ciidanka booliiska Koonfur Galbeed ee dilka u geestay wiilkooda.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaana dhageysiga kiiskan kaddib , waxa ayna xukun dil ah ku riday Dable booliis Cabdullaahi Ibrahim Yarow Boorow, waxa ayna maxkamadda sheegtay in kiiskan uu ka furan yahay racfaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

27 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe