Friday, June 26, 2026
HomeWararMaxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse & Safiirka Shiinaha?

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse & Safiirka Shiinaha?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaqliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe