Idaacadda BBC-da laanteeda ku hadasha afka Soomaaliga oo muddo ka badan ‘nus qarni’ jirta ayaa ah meel ay dadka soomaaliyeed ka helaan ama ka dhageystaan wararka iyo barnaamijyada kala duwan ee kabaxa BBC-da, iyadoo noqotay warbaahinta ugu caansan geeska Afrika.
Laanta afka soomaaliga ee BBC ma ahan oo kaliya meel wax laga dhageysto ama laga hadlo ee waxay sidoo kale tahay meel ay dadka soomaaliyeed wax kabartaan, islamarkaana ay ku gudbiyaan baahiyahooda gaarka ah.
Kumanaan soomaali ah ayaa ku xiran BBC laanteeda afka soomaaliga waxayna u tahay meel ay hiigsadaan ayna si gooniya ugu xiranyihiin barnaamijyadda kala duwan ee kabaxa, sidoo kale waxaa jira saaxiibo si dhaw ula socda BBC-da gaar ahaa dhinaca baraha bulshada, iyagoo aragtiyadooda ka dhiibta dhacdooyinka saameynta leh ee kaxa BBC-da ama lagu daabaco boggageeda internet-ka.
Hasayeeshee waxaa maalmihii u danbeeyay baraha bulshaddu ay ku xariirto lagu arkayey qoraallo iyo sawirro ay dadku siyaabo kala duwan uga hadlayaan oo quseeya BBC-da, waxaana dadkaas ku jiray siyaasiyiin, saxafiyiin iyo dad kale, inkastoo ay ahaayeen dad kooban.
Hadaba waa maxay waxa ay dadku ku qoonsadeen BBC-da?, waxaan si dhaw u darsay qaar kamid ah qoraaladda iyo sawirrada BBC-da ee ay dadku ka falceliyeen gaar ahaan Faceebook iyo Twitter.
Ka falcelinta wararka iyo qoraaladda BBC-da waxaa ay soo bilaabatay horraantii bishaan gaar ahaan waqtigii ay taagneed Xiisadda Shirkii Shidaalka ee London ka dhacay 7-dii bishaan.
Qoraalkii ugu horeeyay ee aan falcelintiisa arko waxay aheyd warbixin la xariirta isla shirka shidaalka ee London waxayna u qorneed sidaan, “Ma warar been-abuur ah ayaa ku gadaaman shirka Shidaalka Soomaaliya”?
Wararka been-abuurka ah ee ku gadaaman shirka Shidaalka Soomaaliya https://t.co/e5PgCS94dP
— BBC News Somali (@BBCSomali) February 6, 2019
Dadka qoraalkaan ka falceliyay waxaa ka mid ahaa xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo yiri, “BBC ma xikmaddii ayaa ka dhamaatay, mise xirfaddii ayaa sidaan isku bedeshay! Qeybteeda afka Soomaaliga ah waxey waqti ahaan jirtay jaamacad iyo il-wareed weyn oo umadda Soomaaliyeed ay ku tiirsanayd, balse waxaa muuqata In waayadan danbe wax si ka noqdeen”.
BBC ma xikmaddii ayaa ka dhamaatay, mise xirfaddii ayaa sidaan isku bedeshay! Qeybteeda afka Soomaaliga ah waxey waqti ahaan jirtay jaamacad iyo is-wareed weyn oo umadda Soomaaliyeed ku tiirsanayd, balse waxaa muuqata In waayadan danbe… https://t.co/BpWBTopo5Z
— Hon. Ahmed FIQI (@AhmedMoFiqi) February 7, 2019
Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u isticmaala baraha bulshada waxaana inta badan lagu arkaa ka falcelinta arrimaha markaasi taagan oo hadba dhinacyada ay quseyso ay siyaabo kala duwan u hadal hayaan, hasayeeshee arrintaan ayaa u muuqata mid dadku ay uga falceliyeen siyaabo kala duwan sida ka muuqata qoraalada ay dadka qaar ka bixiyeen warka BBC-du ay shalay ka qortay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame,oo taageeray go’aankii dawladda, oo u qornaa sidaan “Cabdiraxmaankii dhaliisha badnaa oo dowladda dhinac istaagay”.
Cabdiraxmaankii dhaliisha badnaa oo dowladda dhinac istaagay.https://t.co/JEXHrUDZWM pic.twitter.com/M6uLZayYhH
— BBC News Somali (@BBCSomali) February 18, 2019
Daka ka falceliyey qoraalka BBC-da waxaa ka dhexmuuqda xubnaha lagu tiriyo inay dawladda mucaarad ku yihiin, sida Axmed Macalin Fiqi, Mahad Maxamed Salaad iyo dad kale oo magac leh.
Axmed Macalin Fiqi ayaa soo qaatay qoraalka BBC-da isagoo yiri, “BBC oo mar kale bariiqatay! ma hey’ad caalami ah baa mise afhayeenada madaxda Soomaaliya”?.
Sidoo kale Mahad Maxamed Salaad ayaa asna soo qoray “CAJIIB! Warbaahin madaxbanaan oo in ka badan 60 sano soo jirtay in ay maanta sidaan wax usoo qorto waa nasiib daro aad u wayn! Markii saxafiyiintii ruugcaddaaga ahaa ay ka huleeleen BBC laanteeda afka Soomaaliga waa iska cadayd in xirfadii iyo madaxbanaanidii saxaafadeed ee ay caanka ku ahaydna aysan ka hari dooni”.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan waxaa ay tahay, maxaa keenay in siyaasiyiintaan ay ka falceliyaan Sheekada C/raxmaan C/shakuur? Ma qoraalka BBC-da ayaa u baahanaa erey bixin mase wax ka qaldan ayaa jira?.
Iimasuurta galin in mas’uuliyiintaan aan ku wareyso warbixinta, hasayeeshee Saxafi hore oo diiday inaan magaciisa adeegsado ayaa qaba inay muhiimad gooniya leedahay saameynta cinwaanka sheekada.
“Arrintaan dadku si kala duwan ayay uga hadleen kuwo taagersan iyo kuwa ka soo horjeeda Laakiin Lidka waxay ku xirantahay sida uu usoo jiidan karo aqristayaasha Marka ani ahaan khalad uma arko” ayuu yiri.
Dadka ka falceliyay qoraalka BBC-da badankood waxay u muuqdeed kuwa si gooniya u abaaraya Cinwaanka ama Lidka warka ay isticmaashay BBC-du, iyadoo aan oganahay in BBC-du ay leedahay wariyeyaal xirfad leh iyo Tifaftirayaal, dadkaasi waxay isugu jireen kuwa dhaliilay iyo kuwa amaanay intaba, waxaana ka mid ahaa wariyeyaal khibrad u leh saxaafadda.
Wariye lagu magacaabo Maxamed Xuseen Axmed oo masawir uu ka qaaday qoraalka BBC-da soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri, ” Waan ka xumahay in warbaahintii weyneyd ee BBC somali xaalkeedu sidaan noqdo”.
Wariye Maxamed Xuseen Axmed, oon la xariir ayaan weydiiyay waxa ku dhaliyey inuu dhaliilo qoraalka BBC-da. Waxuuna ku jawaabay “Bbc waa hey’adda warbaahineed ee ugu weyn soomaaliya iney sameyso qaladkaas oo kale waa wax laga fiicanyahay runtii, waxaan kamid ahay dadka sida tooska ah ugu xiran pageka bbcsomali ay ku leedahay facebookga waxaan arkay dhowr jeer qaladaadkaan ookale balse marnaba uma qaadan inuu yahay gaf ay qof ugeysanayaan laakiin waxaan ufahmay inuuyahay farsamo xumo heysata iyaga”.
Wariye Maxamed Xuseen ayaan weydiiyay bal inay jiraan wax si gooniya u taabanaya C/raxmaan C/shakuur oo ay BBC-du qortay?
Maya waxcabasho ah oo gooni ah oo tabanaya shaqsiyan majirin, Laakiin waxaan ka mid ahaa dadkii shalay ka xumaaday mowduucii ay usoo qaateen C/raxmaan Cabdishakuur sababtoo ah waxa uu abuuray fikiro kala gadisan oo laga qaatay in bbcsomali oo ah hey’ad weyn ay sameyn karto (personal attack), aniga sidas ayuu iila muuqday”. ayuu yiri.
Maxamed Salaad Cusmaan oo ka mid ah wariyeyaasha isticmaala baraha bulshada ayaa qaba in cinwaanka ay isticmaashay BBC-da uu aad u wanaagsan, “BBC Cinwaankaas ay qortay dadbaa dhaliil u yeelaya aragtidayda waa cinwaan innaba aan caadi ahayn”. Ayuu ku qoray bartiisa facebook-ga.
Sidoo kale waxaan aqriyay falcelinta qaar kamid ah saaxiibadda BBC-da barteeda Twitter-ka, oo si lamid ah sidaan uga falceliyey, hasayeeshee waxaana soo qaatay qaar kamid ah qoraaladda daka sababo la xariira anshaxa saxaafadda, waxaana kamid ahaa dadkaas.
Maxamed Jaaj oo ka mid ah saaxiibda BBC ee twitter-ka ayaa ku qoray qeybta kommentiga,“Bbc waxa ay noqotay madal ay ka dhamaadeen aqoonyahankii saxafiyiintu, oo ay isugu soo hadheen dad aan marnaba dhexdhexaad noqon Karin”.
Bbc waxa ay noqotay madal ay ka dhamaadeen aqoonyahankii saxafiyiintu, oo ay isugu soo hadheen dad aan marnaba dhexdhexaad noqon karin.
— Mohamed Jaaj (@mohamed_jaaj) February 18, 2019
Sharmaarke Samriye ayaa asna ku qoray kommentiga, “war eray bixinti ma odayaashi idinka fadhiistay ayay idinka raacday. walaahi waa idiin ceeb in aad sidaas u hadashaan”.
Intaasi kuma koobna ee sidoo kale waxaa jira dad kale oo sidaan oo kale uga falceliyey, hasayeeshee waxaa is weydiin mudan maxaa keenay dadku inay sidaan uga falceliyaan qoraalka BBC-da?. Ma cinwaanka sheekada ayaa ku qasbaya mase nuxurka Sheekada?.
Su’aalahaas ayaan weydiiyay Cabdalla Aadan Muumin oo ah wariye madaxbanaan. “Ma garan karo dadka siday u falceliyeen, laakiin aniga markaan eegay cinwaanka, waxaa ii soo baxday in qofka qoray uu doonayey inuu qaabka English ka wax u qoro, waana arrin aan suurtagal ahayn” ayuu yiri muumin.
Si aan u hello sharaxaad intaas dheer waxaan xarriiro kal duwa la sameeyay wariyeyaal ka tirsan BBC-da iyo kuwa ka howlgala Warbaahinta maxaliga ah ee dalka waxayna ka gaabsad inay ka hadlaan.
Laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa ah warbaahin caalami ah, waxaana dadka soomaaliyeed ay u tahay meel ay ka helaan warar iyo Barnaaminyo tayo leh, waxaana lawada ogsoonyahay inay laf dhabar u tahay jiritaanka afka soomaalig waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa inay tahay jaamacad ay dadku wax ka bartaan, waxaana kuxiran maalaayiin soomaali ah oo qabatimay dhagaysiga BBC-da.
Ugu danbeyntii Waxaan ka raaligalinayaa BBC-da iyo Akhristayaashaba aqoon yarideyda Afsoomaaliga iyo xirfadeydda saaxafadda awgeed qaladaadka ku jira warbixintaan, waxaana si gooniya ugu mahadcelinayaa saaxiibada aan magacyadooda ku soo qaatay iyo kuwii igu saaciday inaan qoro, anigoo sidoo kale ka codsanaya inay iga saxaan.
Warbixintaan cidna gaar kuma aha!.
W/Q: Ahmed Nor Mohamed Hassan (Ahmed-nor Sudani).

