Sunday, March 23, 2025
HomeWararMaxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 16/11/2020  la filayaa inay  Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdisho ku yeeshaan Kulankooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u diray qoraal lagu ogeeysiinayo in uu jiro kulanka Golaha, iyaga oo laga dalbaday inay soo xaadiraan sidoo kalena waqtiga ilaaliyaan.

Ajandayaasha Kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta berito ah ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka, u codeynta Xubnaha Guddiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ay ku guda jiraan kal-fadhigii ugu dambeeyay, waxaana horyaalla meel marinta iyo ka doodista ajandayaal dhowr ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe