Home Warar Maxaa looga hadlay Shirkii xalay dhexmaray shanta Madaxweyne goboleed?

Maxaa looga hadlay Shirkii xalay dhexmaray shanta Madaxweyne goboleed?

24

Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ayaa xalay yeeshay kulan dhanka telaafanka ka dib dadaallo ay waday maalmihii lasoo dhaafay beesha Caalamka oo ku aadana khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
Kulanka aya waxaa ka qeyb galay Madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyadoo diirada lagu saaray sidii dalka ay uga dhici laheyd doorsho lagu wada qanacsan yahay.

Kulanka Qodobada looga hadlay waxaa ka mid ah Xaaladda Gobolka Gedo iyo muranka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Madaxda ay ku heshiiyeen in la xaliyo khilaafka ka taagan doorashada waxaana ay ku balameen kulan deg deg ah.