Monday, May 25, 2026
HomeWararMaxaa looga hadlay Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland?

Maxaa looga hadlay Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray warbixino laga dhagaystay Wasaaradaha kala duwan iyo xaaladahii u danbeeyay ee degaannada Maamulka Jubbaland.

Waxaa falanqayn dheer uu golahu ka yeeshay xaalada abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa taas oo lagaga baaqasan karo masiibooyinka soo noqnoqday.

Dhinaca kale waxaa golahu uu ka dooday xal u helista bacaha taas oo saamayn weyn ku leh nolosha bulshada gaar ahaan xeebaha iyo xoolaha nool oo ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan isla markana qeyb weyn ka qaadanaysa nabaad guurka deegaanka.

Arimaha amniga ayaa Wasaarada amniga laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada amniga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe