Wednesday, May 20, 2026
HomeWararGudahaMaxaa kasoo baxay shirka Baydhabo ku dhexmaray Saraakiisha Ammaanka Federaalka & DG...

Maxaa kasoo baxay shirka Baydhabo ku dhexmaray Saraakiisha Ammaanka Federaalka & DG Koofur Galbeed?

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacay shir looga hadlay ammaanka Gobolkaas oo dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo Doorashada Hoggaanka rasmiga ah ee Maamulka cusub ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Saraakiil isugu jirtay Booliis iyo Militari ayaa ka qaybgalay kulankaan waxaana ay is dhaafsadeen sida ay uga wada shaqayn karaan adkaynta Ammaanka Gudaha Magaalada Baydhabo iyo bannaankeeda si doorashadaas ay ugu qabsoonto si xasiloon.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa u sheegay  warbaahinta in ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor iyo 60aad ay qaateen mas’uuliyadda amniga deegaannada bannaanka ka ah Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Booliiska ayaa dusha saartay nabadgalyada Gudaha Magaalada Baydhabo maadaama wakiillo kor-joogta ah lagu wado in ay ka qaybgalaan doorashada maamulka cusub ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe