Tuesday, March 18, 2025
HomeWararMaxaa hortaagan in Puntland & Jubbaland ay dhameystiraan Guddiga Doorashada 20/21?

Maxaa hortaagan in Puntland & Jubbaland ay dhameystiraan Guddiga Doorashada 20/21?

Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa soo dhameystiray Guddiyada xalinta Khilaafaadka & Doorashada 20/21 ee ka dhashay heshiis siyaasadeedka DFS & DG dhexmaray Bilihii September iyo October 2020.

Ilo xog ogaal ah aya u sheegay  warbaahinta  in maamulada Puntland & Jubbaland ay ka war-dhowrayaan halka ay ku biyo shubato doodda ka taagan guddiga la magacaabay oo xubnaha mucaaradka ah ay sheegeen in laga soo dhex xulay Hay’adda Nabadsuidda & Madaxtooyada.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in DG Puntland & Jubbaland Laga sugayo soo gudbinta xubnahaas, balse ma uusan shaacin sababta keentay in muddo intaas la eg laga sugo.

Waqti cayiman oo ugu dambeyn laga sugayo Puntland & Jubbaland soo gudbinta xubnaha Guddiga ma muuqda mana la shaacin, waxa ay taasi keentay shaki kale oo la xiriira aamusnaanta iyo soo gudbin la’aanta guddiga laga doonayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa   sidoo kale  u sheegay  warbaahinta    in Madaxda Puntland & Jubbaland aysan la dhacsaneen tuhunka soo baxay ee hareeray guddiyada kale ee la magacaabay, maadaama Xisbiyada mucaaradku ay sheegeen in laga gudbay xeen-daabka madax bannaanida magacaabista Guddiga oo Hay’adda Sirdoonka xubno katirsan lagu daray qaybta doorashada, halka Xukuumadda Gaashaanka ay ku dhufatay warkaas.

DG Jubbaland waxa ay liiska dhaqangelinta soo gudbinta magacyada 4-xubnood ee guddiyada xalinta khilaafaadka & doorashada lasoo gashay Koofur Galbeed, kamana tallaabin 10-ka cishe ee loo qabtay oo ah 10-ka ilaa 20-ka October 2020.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe