Mas’uuliyiin uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi (Maadey) ayaa si horudhac ah u xaliyay Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Shaqaaqada ka dhacday Magaalada Beleweyne ayaa waxaa ay salka ku heysay Gaadiid la kala dhacay, iyada oo xiisada ka dhalatay siwyen looga dareemay Magaalada Beledweyne.
Guddoomiye ku xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi (Maadey) & xubnaha la socday ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka labada dhinca taaso sababtay in Gaadiidkii la kala dhacay laamaha Ammaanka Beledweyne ay soo qabtaan, isla markaana Maamulka ay ku kala wareejiyaan Dadkii lahaa.