Home Warar Mas’uuliyiin Isbitaalada ku booqday Askartii ku dhaawacantay qarixii Gaalkacyo{SAWIRO}

Mas’uuliyiin Isbitaalada ku booqday Askartii ku dhaawacantay qarixii Gaalkacyo{SAWIRO}

185

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cabaas Amiin ayaa waxay booqdeen Ciidamadii ku soo dhaawacmay qarixii ka dhacay Galkacyo , kuwaas oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Ordogan Ex Digfeer ee muqdisho iyo isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu horeyntii Xaaladda Ciidamada iyo saraakiisha lagu dabiibayo isbitaalka waxa uu ka xogwareystay agaasimaha isbtilaalka Ordogan waxaana uu masuuliyiintii booqday u sheegay in gurmad caafimaad oo aad wanaagsan loo fidiyay , iminkana Xaaladoodu tahay mid wanaagsan ,

Intaas ka dib wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mid mid u booqday bukaanada isagoo u rajeeyay caafimaad Taam ah

“Dowladiina iyo shacabkiinaba waa idiin ogyihiin in naftiina aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina , si dhaw ayaan ula socon doonnaa Xaaladiina Caafimaad , qarankiina marna idinma dayici doono Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya .

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa tilmaamay in Dhaawacyada aan xaladooda caafimaad dalka waxba looga qaban karin , ay DFS baxnaano caafimaad oo dibadda ah ay u qaadi doonto.