Tuesday, October 13, 2026
HomeWararDibaddaMasaajid kuyaalla magaalada Dhuusomareeb oo la gubay iyo baaritaano socda {sawiro}

Masaajid kuyaalla magaalada Dhuusomareeb oo la gubay iyo baaritaano socda {sawiro}

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay dab la qabad-siiyay masaajid kuyaalla magaaladaasi, waxaana hadda socda baaritaano lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyay gubitaanka masaajidka.

Masaajidka la gubay ayaa kuyaallay xaafada Horseed ee magaalada Dhuusomareeb, waxaana masjidka la sheegay in ay gubeen kooxo aan wali heebtooda la garan, waxaana falkan aad u cambaareeyay jameecada masjidka iyo culimadii maamuleysay.

Dabka ayaa baabiíayay gogoshii masaajidka goglaneyd ee lagu dukanayay, waxaa sidoo kale dabka uu gubay kutubo Quráan oo masaajidka dhax taalay, lamana oga ilaa hadda cidda falkaasi ka dambeysay.

Jameecada masaajidka ayaa sheegay in aysan wali ogeyn sababta masaajidka loo gubay , waxa ayna sheegeen in horey ula kulmeyn hanjabaadyo kala duwan, waxaana masjidkan gacanta ku hayay culimo katirsan dariiqada Axmadiyadda.

Ciidamada booliiska magaalada Dhuusomareeb oo falkan lagu war-galiyay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sababta gubitaanka masjidka, waxa ayna xuseen haddii ay jiraan dad falkaasi geestay gacanta kusoo dhigi doonaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe