Thursday, April 24, 2025
HomeWararMareykanka OoSi layaab leh Uga Baxay Heshiiskii Niyukleerka Iran.

Mareykanka OoSi layaab leh Uga Baxay Heshiiskii Niyukleerka Iran.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiskii Niyuklerka ee ay wadamada reer galbeedka la galeen wadanka Iran.

Isaga oo ka dhex-hadlayay qolka diblamaasiyadda ee Aqalka Cad, ayuu Trump sheegay in heshiiskani yahay mid liita oo hal dhinac ahaa, isla markaana ay mudneyd inaanan marnaba la gelin.

Trump, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Mareykanka ay si deg deg ah dib u soo celin doonto dhammaan cunaqabteynti saarneyd Iran ee uu maamulki Obama ka qaaday, kadib marki uu dhacay heshiiska Niyukeleerka sannadki 2015-kii.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani oo ka jawaabay go’aanka Trump ayaa sheegay in Tehran ay baaqi ku sii ahaan doonto heshiiskan caalamiga ah.

Wuxuu sheegay inuu ku amray wasaaradiisa arrimaha dibadda in heshiiskani ay kala hadasho Midowga Yurub, Shiinaha iyo Ruushka.

Hasayeeshe waxaan ilaa iyo imika aan kala cadeyn waxa xiga iyo tallaabada xigta ee ay qaadayaan dalalka qeybta ka ahaa heshiiskaasi, madaama Trump uu sheegay in sidoo kale cunaqabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iran.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe