Friday, September 20, 2024
HomeWararMareykanka Oo Sheegay In Uu Duqeyn La Beegsaday Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab

Mareykanka Oo Sheegay In Uu Duqeyn La Beegsaday Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iyada oo la shaqeyneysa dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 Mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 Shabaab ah, Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.

AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo Al-shabaab.

Tani waxaa qeyb ka ah, ayaa lagu yiri qoraalka, in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM lagula midoobo howlgallada ka hortagga Shabaab, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe