Sunday, December 7, 2025
HomeWararMareykanka Oo Sheegay In Afar Ka Mid Ah Al-shabab Uu Ku Dilay...

Mareykanka Oo Sheegay In Afar Ka Mid Ah Al-shabab Uu Ku Dilay Jubada Hoose.

Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayey ku sheegeen in weerar ay ka geysteen Soomaaliya ku dileen xubno ka mid ah AL-shabaab.

Warka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in weerarka oo laga fuliyay Buundada Araare ee Gobolka Jubada hoose lagu dilay afar ka mid ah Al-shabaab.

Warbixinta Mareykanka ayaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya Ciidadama Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay ay AL-shabab damacsanaayeen in ay weeraraan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida oo howlgal ku jiray.

Waxaa kale oo intaas uu ku daray Mareykanka in uusan jirin khasaare Mareykanka ka soo gaaray weerarkaas maaddaama aysan jirin Ciidan Mareykan ah oo dhulka jooga sida lagu yiri qoraalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe