Thursday, April 25, 2024
HomeWararMareykanka oo shaaciyay dowladda ka dambeeysay weerarkii Internet-ka

Mareykanka oo shaaciyay dowladda ka dambeeysay weerarkii Internet-ka

Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa Talaadadi sheegtay, in ay u badantahay in Ruushka uu ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Mareykanka.
Weeraradaasi ayaa laga warhelay bishi lasoo dhaafay. Meelaha lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Wasaaeadaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay.

Warkaan kasoo baxay Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in wali ay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayo suurtagalnimanada hey’ado kale oo ay burcaddani weerareen.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka weerarka uu u muuqdo mid lagu raadinayay xogo dhanka mukhaabaraadka ah, balse aysan muuqan mid kharbudaad ah lagu rabay.
Madaxweyne Trump ayaa weerarkaasi horay ugu eedeeyay dowladda Shiinaha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe