Sunday, September 6, 2026
HomeWararGudahaMareykanka oo qorsheynaya inuu ballaariyo saldhiggiisa milatari ee Boosaaso

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ballaariyo saldhiggiisa milatari ee Boosaaso

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa inay ballaariso howlgallada sirdoonka iyo kuwa milatari ee ay ka waddo magaalada Boosaaso ee Puntland, iyadoo la qorsheynayo in joogitaanka Mareykanka ee garoonka diyaaradaha Boosaaso loo beddelo saldhig awood u leh inay ka howlgalaan diyaaradaha Mareykanka ee sameeya duqeymo iyo hawlgallo kormeer iyo sirdoon.

Warbixintan waxaa baahisay Drop Site News, iyadoo soo xigatay shan sarkaal oo ka tirsan dhinacyada amniga gobolka.

Sida warbixintu sheegtay, Mareykanka ayaa hadda Boosaaso ku leh xarun yar oo sirdoon iyo xiriir ah, taas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo CIA-da.

Shaqaalaha AFRICOM ee ku sugan Boosaaso ayaa la sheegay inay isku xiraan ciidamada Puntland iyo xarunta ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee ku taalla dalka Jabuuti, gaar ahaan marka loo baahdo taageero dhinaca cirka ah.

Haddii qorshaha cusub la hirgeliyo, diyaaradaha Mareykanka ayaa si toos ah uga duuli kara Boosaaso, si ay uga fuliyaan hawlgallo milatari iyo kuwo kormeer ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu kordhiyo howlaha CIA-da ee Puntland, iyadoo diiradda la saarayo la dagaallanka kooxda Daacish ee ka howlgasha qaybo ka mid ah gobolka Bari.

Puntland ayaa 2-dii Agoosto si rasmi ah u shaacisay heshiiska, kaddib kulan uu madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, la yeeshay wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayay Major General Claude Tudor, oo ah taliyaha ciidamada howlgalada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Mareykanku uu ballaarinayo joogitaankiisa milatari ee Boosaaso si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo sugidda amniga badda.

Wadahadallada labada dhinac ayaa sidoo kale lagu sheegay inay diiradda saareen xaaladda amni ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Warbixintu waxay sheegtay in saraakiisha CIA-da ay horey door uga lahaayeen howlgalada ka dhanka ah Daacish ee Puntland.

Sida lagu sheegay warbixinta, shaqaalaha CIA-da ayaa qeyb ka qaata su’aalo weydiinta xubnaha Daacish ee la qabto, gaar ahaan saraakiisha sare iyo dagaalyahannada ajaanibta ah.

Mid kamid ah kiisaska la xusay ayaa ah qabashada Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo sidoo kale loo yaqaan Cabdiweli Walalac, kaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa dhaqaalaha Daacish-Soomaaliya.

Yuusuf waxaa lagu qabtay gobolka Bari bishii Luulyo 2025. Dowladda Mareykanka ayaa horey ugu dartay liiska dadka ay ku tilmaantay argagixisada caalamiga ah.

Puntland ayaa markii hore sheegtay in qabashadiisa ay ahayd howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya.

Hase yeeshee, saraakiil ay soo xigatay Drop Site News ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid uu hoggaaminayay Mareykanka, kaas oo loo adeegsaday diyaarad helicopter ah, turjubaan Soomaali ah iyo saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka iyo amniga Puntland.

Laba ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in CIA-du ay Yuusuf geysay xarun ku taalla garoonka Boosaaso, halkaas oo lagu wareystay, ka hor inta aan maalintii xigtay loo gudbin Jabuuti.

Qorshaha cusub ayaa sidoo kale la sheegay inuu qeyb ka yahay dhismaha ciidan cusub oo Puntland ka tirsan, kaas oo Mareykanku taageeri doono, laguna magacaabi karo ciidan gaar ah oo la dagaallama kooxaha argagixisada.

Warbixintu waxay sheegtay in weli aan la go’aamin tirada ciidamadaasi, balse Mareykanka uu qorsheynayo inuu mas’uul ka noqdo mushaharkooda, qalabkooda iyo tababarkooda.

Haddii qorshahan la xaqiijiyo oo la hirgeliyo, wuxuu noqon karaa tallaabo weyn oo kordhinaysa joogitaanka Mareykanka ee Puntland iyo guud ahaan Gacanka Cadmeed, iyadoo Boosaaso ay noqon karto meel muhiim u ah hawlgallada Mareykanka ee ka dhanka ah Daacish iyo kooxaha kale ee hubeysan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe