Saturday, April 11, 2026
HomeWararMareykanka oo ku dhawaaqay in uu ka guuleysan doono Covid-19

Mareykanka oo ku dhawaaqay in uu ka guuleysan doono Covid-19

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladiisa ay dardar-galin doonto dagaalka ka dhanka ah feyriska Corona.
Mr Biden ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu heli doono tallaal ku filan kaasi oo ay qaadan doonaan dhammaan dadka waawayn ee Mareykanka dabayaaqada bisha May.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Mr Biden waxaa uu intaa ku daray in uu gobol walba ku amri doono in ay diyaariyaan tallaalka si qof walba oo Mareykan ah uu tallaalka u qaato.
Intii uu socday ololaha tallaalka ayaa waxaa mudnaanta la siinayay shaqaalaha caafimaadka iyo dadka waayeelada.
Mr Biden ayaa farta ku fiiqan in maalmo wacan ay soo socdaan ka dib muddo sanad ah oo uu feyriska Corona dhibaato ku hayay Mareykanka islamarkana ay u dhinteen nus malyuun Mareykan ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe