Tuesday, March 18, 2025
HomeWararMareykanka oo kordhinaya taageerada Soomaaliya

Mareykanka oo kordhinaya taageerada Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareynkanku Soomaaliya ku siiyo la dagaalanka xagjirka iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha ciidamada iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga dalka oo dhan ku filnaadaan si AMISOM looga maarmo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe