Saturday, July 18, 2026
HomeWararDibaddaMareykanka oo Iiraan u fasaxaya $6 Bilyan oo doolar si loogu sii...

Mareykanka oo Iiraan u fasaxaya $6 Bilyan oo doolar si loogu sii daayo 5 muwaadin oo Tehran ka heysato.

Dawladda Maraykanka ayaa qaaday tallaabo jidka u xaadhaysa in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka kuwaas oo ku xidhan dalka Iran.

Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iran loo fasaxo lacag gaadhaysa illaa $6 billion oo dollar oo kaga xanniban dalka Koonfurta Kuuriyada, iyada oo lacagtaas loo wareejinayo dalka Qatar.

Lacagtan ayaa la xannibay ka dib markii uu Maraykanku ku soo rogay cunaqabatayn dhaqaale dalka Iran.

Sidoo kale waxaa heshiiskan qayb ka ah, in Maraykanku ay sii daayaan shan muwaadin oo u dhashay dalka Iran oo ku xidhan gudaha dalka Maraykanka.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkii hore qalinka ku duugay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Maraykanka iyo Iran, ay mabda’iyan uga heshiiyeen arrintan.

Go’aanka lagu fasaxayo lacagtan, lalama socodsiin aqalka wakiillada ee Maraykanka, wixii ka horreeyey maalinimadii Isniinta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Nuxurka heshiiska ayaa hore loo shaaciyey, sidoo kale waa la filan karayey inuu soo baxayo go’aanka la xidhiidha, in lacagtaas la fasaxo. Hase ahaatee waxaa markii ugu horraysay uu maamulku sheegay inay heshiiska ku jirto in la sii daayo shan Iraaniyiin ah. Lama magcaabin maxaabiista reer Iiraan.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa in maamulka Biden uu kala kulmo dhaleecayn uga timaadda xisbiga Jamhuuriga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe