Saturday, April 19, 2025
HomeWararMareykanka oo Dhimaya Ciidamadiisa Jooga Somaliya

Mareykanka oo Dhimaya Ciidamadiisa Jooga Somaliya

Ilo ku dhaw dhaw maamulka madaxweynaha Mareykanka ayaa ku waramaya in uu Donald Trump qorsheynayo in dhaq dhaqaaqyada ciidan ee Soomaaliya ka wadaan ay joojin doonaan.

Labba Sarkaal oo kamid ah maamulka sare ee aqalka looga arrimiyo dalkaasi Mareykanka ayaa warbaahinta la wadaagay in Mareykanku uu ka fikirayo sidii uu Ciidamada ka joogo Soomaaliya kala soo bixi lahaa, sidaas si lamid ahna uu u dhimi lahaa duqeymaha ay Soomaaliya ka fuliyaan.

” Halista inaga soo wajihi karta Islaamiyiinta Soomaaliya ka dagaalama waa mid yar, waxaana duqeymo ku dilnay madaxdii ugu sareysay marar badan, markaan waxaa la joogaa markii gebi ahaanba aan ciidamadeena kala soo bixi lahayn” ayey warbaahinta gaar ahaan NBC u sheegeen saraakiishaasi u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Saraakiishaasi maynan sheegin xiliga rasmiaga ah ee mareykanku Ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya, balse waxa ay u muuqataa in wakhti ay qaadaneyso.

Sidaaan oo kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamada ka joogo Syria uu kala soo bixi doono, kadib markii uu sheegay in ay guul ka gaareytn la dagaalanka Daacish.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe