Sunday, October 18, 2026
HomeWararDibaddaMaraykanka oo loogu baaqay inuu wax ka beddelo siyaasadiisa militari ee Soomaaliya

Maraykanka oo loogu baaqay inuu wax ka beddelo siyaasadiisa militari ee Soomaaliya

Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Joe Biden ayaa wajahaya baaqyo ku aadan in dib u habeyn lagu sameeyo istaraatiijiyada Maraykanka ee Soomaaliya, xilli Mareykanka uu weli ku jiro olole ka dhan ah As  oo 16 sano jirsatay.

Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay Foreign Affairs, qaabka hadda uu Mareykanka haatan u isticmaalo awoodda militari iyo duqeymaha cirka si uu u xakameeyo as  uma badna inuu horseedo xasillooni iyo nabad waarta.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 280 duqeymo tan iyo 2007-dii.

Dadka dhaleeceeya waxay ku doodayaan in Maraykanku u baahan yahay inuu u beddelo diiradda taageeridda dadaallada dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo xasilinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xoojin lahayd guulihii dhuleed ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab iyo in ay wax ka qabato kala qeybsanaanta bulshada.

Dabayaaqada bishan, Maraykanka ayaa ku biiri doona wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tani ay ka dhigan tahay fursad uu Mareykanka ku riixayo xal siyaasadeed oo dhameystiran oo ku saleysan dib u heshiisiin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe