Saturday, May 30, 2026
HomeWararMaleeshiyaad hubeysan oo wiil & Aabihii ku dilay degaan ka tirsan gobalka...

Maleeshiyaad hubeysan oo wiil & Aabihii ku dilay degaan ka tirsan gobalka mudug .

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Maanta Barqadii waxaa ay duleedka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug Puntland kudileen Wiil Aabihiis, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Goobjooayaal ayaa sheegay in Wiilka iyo Aabihiis oo ahaa Xoolo dhaqato ay raga hubeysan dhowr xabadood ku dhufteen, halkaasna ay ku geeriyoodeen, xilli ay la jireen xoolo ay lahaayeen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka loo geystay Wiilka iyo Aabhiis, waxana wararka ay sheegayaan in uu la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal horay uga dhacay degaano katirsan gobolka Mudug.

Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaas.

laamaha Amiga gobolka Mudug iyo  kuwa degmada bursaalax ayaan weli hadlin dhacdadaan, hayeeshee dhowr jeer ayaa dilal la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen degaano katirsan gobolka Mudug, kuwaas oo la xaliyay

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe