Maleeshiyaad la sheegay inay hubeysnaayeen ayaa xalay waxaa ay gaari ku rasaaseeyeen deeganka garasle oo qiyaasti 100km dhinaca galbeed kaga beegan Dagmada balanbale ee gobolka Galgaduud.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa saarnaa dad Shacab ah, waxaana la sheegay in rasaasta ay sababtay geerida Saddex Ruux iyo dhaawaca tiro kale, iyada oo maleeshiyaadkii falkaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay la geeyay Degmada Balanbale, isla markaana dadka degmada ay aad ula yaaban yihiin dhacdadaas.
Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababta gaariga loo rasaaseeyay, waxaana warraka la helay ay sheegayaan inay la xiriirto aanooyin qabiil oo horay uga jiray degaanka garasle & tuulooyinka u dhow.