Home Warar Maleeshiyaad hubeysan oo dilay wade gaari & xiisad ka dhalatay

Maleeshiyaad hubeysan oo dilay wade gaari & xiisad ka dhalatay

210

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Barqanimadii Maanta ay degaan hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku dileen wade gaari, iyaga oo goob ta ka baxsaday.

Darawalka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Farxaan Macalin ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in uu wade ka ahaa  mid kamid ah Gaadiidka qaadka ( jaadka) keena Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaan lala xiriirinayo dilal aanooyin qabiil ah oo bilihii la soo dhaafay ka dhacayay degaano hoostaga degmada Matabaan, iyada oo dhowr jeer xal laga gaaray balse ay dib u soo laabteen.

Degaanka uu dilka ka dhacay oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay inay Maanta ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilka Darawalka, iyada oo aysan weli ka hadlin dilkaas laamaha Amniga & Maamulka degmada Matabaan.