Thursday, April 23, 2026
HomeWararDibaddaMagaalada Wabxo oo laga soo saaray Miinooyin lagu aasay

Magaalada Wabxo oo laga soo saaray Miinooyin lagu aasay

Ciidanka Xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafayw axaa ay hawlgallo culus ka sameeyeen Qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, halkaasi oo dhawaanahaan ay Ciidanku ka sameynayeen Howlgallo joogta ah.

Guutooyinka Danab iyo Cali Binu Abii Daalib ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u fuliyay howgalkaas, oo ahaa mid qorsheysan, waxaana si gaar ah ay kaga sameeyeen magaalada Wabxo iyo degaanada u dhow.

Saraakiisha Ciidanka hor kacaya ayaa sheegay in ay bur-buriyeen  miinooyin dagaalamaayasha Al-Shabaab ku aastay Magaaladaasi.

Ciidanka Xds ayaa ku guuleeystay inay soo saaraan miinooyinkaas islamarkaasna burburiyaan iyagoona xaqiijiyay amaanka magaalada Wabxo ee gobolka Gal-guduud sida uu warbaahinta Ciidamadda Qalabkan Sida u sheegay Taliye kuxigeenka Guutada 16-aad kumaandooska Xds Danab G/le Maxamed Sheekh.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe