Magaalada Kismaayo oo diyaarad ka degtay maalmo ka dib.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose ayaa sheegaya in diyaarad ka ambabaxday Muqdisho maanta ay gaartay Kismaayo oo halkaasi ay kasoo qaaday Rakaab.
Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal ma jirin rakaab ay diyaarado ka qaaday Muqdisho marka laga reebo Shaqaallaha diyaaradda iyo qalab Caafimaad.
Diyaaradda ayaa soo qaaday dad u badan Shacab oo maalmihii ugu dambeeyay ku xayirnaa Magaalada Kismaayo ka dib markii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xayiraad saartay.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku sugnaa garoonka Kismaayo markii ay diyaaradda soo degeysay.