Thursday, April 30, 2026
HomeWararMadaxweynihii Tanzania oo Geeriyooday

Madaxweynihii Tanzania oo Geeriyooday

Madaxweynihii wadanka Tanzania John Magufuli ayaa Xalay geeriyooday, sida ay xaqiijisay Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo dadweynaha kala hadashay Tv-ga Qaranka.
Waxay sheegtay Samia Suluhu in madaxweyne Magufuli uu k u geeriyooday Isbitaal ku yaal Dar es Salaam oo uu ku jiray ilaa 6-dii bishan March.

Sadexdii todobaad ee la soo dhaafay Magufuli muuqaalkiisa lama arag, iyadoo ay jirtay hadal heynta ah inuu geeriyooday.
Wuxuu Magufuli ahaa 61-jir, sababta geeridiisana lama sheegin, balse warar hoose ayaa sheegay in uu u geeriyooday Xanuunka Covid-19.
Magufuli ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay madaxweynenimada sanadkii 2015-kii wuxuuna la kulmay eedeymo uga yimid waddamada reer galbeedka iyo xisbiyada mucaaradka oo ah in uu duminayo dimuqraadiyadda.
Waxaa loogu naanaysi jiray “Bulldozer” sababta oo ah wuxuu ku caan baxay riixista siyaasadaha isaga kasoo Hor jeeday, inkasta oo uu Mucaaradka Dalkiisa Necbaa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe