Home Barnaamijyo Madaxweynihii hore Galmudug Guuled oo walaac ka muujiyay xaalada Galmudug

Madaxweynihii hore Galmudug Guuled oo walaac ka muujiyay xaalada Galmudug

109

Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariin Xuuseen Guuleed ayaa si kulul uga hadlay xiisada u dhexeysa Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay VOA-da ayaa walaac ka muujiyey ciidanka lageeyey magaaladaasi, wuxuu xusay inuu ka cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo hakaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan Galmudug ay ku socoto fashil iyo burbur, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda dhexe waxaa u soo jeedinayaa arrintaas inay wanaag iyo wada hadal ku maareyso, caqliga inuu taliyo, waxaa ka cabsi qabnaa inuu yimaado dagaal iyo fad qalo ayuu yiri madaxweynah

Guuleed oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray “Ciidamada laga soo daabulayo gobolka ay Muqdisho u baahneyd in ammaankeeda lagu sugo, uma maleyn maayo maslaxad inay keeneyso, Galmudug ciidan uma baahno, qori uma baahno, waxay u baahan tahay caqli iyo maskax”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uu shaaciyey inuu bur-buray heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay dowladda dhexe inay ka baxday heshiiskaasi, waxaana ku dhawaaqday dagaal ay sheegtay inay isku difaaceyso