Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u ddiray maamullada Somaliland iyo Puntland ee ay Ciidamadooda ku dagaallameen degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka labada maamul u dhaxeeya uusan wax faa’ido ah u lahayn labada dhinaca,waxaana uu ku baaqay in ay wadahadal ku beddelaan.
Waxaa uu Dalka Tanzania uga qeybgalay shirka Madaxweynayaashii hore ee Afrika,kaas oo uu khudbad ka jeediyay,waxaa uu sheegay in shirka waxyaabaha uu ka hadlay ay ka mid tahay waaya aragnimada iyo caqabadaha heysta madaxda Afrika.
Gabagabada shirkaas ayuu sheegay in talo soo jeedinta ka soo baxday loo wareejiyay Ururka Midowga Afrika si ay iyaguna ugu gudbiyaan madaxda xilka heysa ee Afrika.