Wednesday, July 15, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladdiisa qorsho ka leedahay dalacsiinta Ciidanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladdiisa qorsho ka leedahay dalacsiinta Ciidanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Hogaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorshaha dagaalka ka dhanka ah As, iyaga oo sheegay in diyaar u yihiin sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen dagaalka ay dowladdu wado.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah As.

Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe