Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Axmed Naaji Sacad oo magac iyo miisaan ku dhex lahaa bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.
Axmed Naaji waxa uu ku dhashay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir sanadki 1939ki waqtigaas oo bilaajo lagu magacaabi jiray. Mudo dheerna waxa uu ku jiray fanka
DHAMAAD

