Sunday, May 3, 2026
HomeWararMadaxweyne Xaaf oo waqti loogu daray mudo xileedkiisa

Madaxweyne Xaaf oo waqti loogu daray mudo xileedkiisa

Wararka ka imaanaya shirka Garoowe ayaa sheegaya in la isku afgartay in hal sano loogu daro madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee Gacal Casir guddoomiyaha ka yahay uu sii joogo, lana soo celiyo.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in uu haatan wada hadal u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha labada dhinac.

Madaxweyne Xaaf ayaa marar badan ka sheegtay faragelinta dowladda dhexe, isaga oo ka cabanayey in laga goostay lacagtii loogu talo galay.

Arrintan ah in hal sano loogu daro waxaa ay soo afjareysaa khilaaf u dhaxeeya hey’adaha Galmudug wax ka badan hal sano.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe